Ra'iisal wasaaraha cusub ee Soomaalida oo codka kalsoonida ay siiyeen baarlamaanka

Muqdisho (RH)-Xildhibaannada golaha shacabka oo goordhow fadhi ku yeeshay xaruntooda ku meel gaarka ee Villa Hargeysa, ayey waxa ay codka kalsoonid aku siiyeen ra'iisal wasaaraha uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud soo magacaabay ee Xamse Cabdi Barre.

Illaa 220 xildhibaan ayaa cod gacan taag ugu codeeyay ra'iisal wasaare Xamse oo noqonaya ra'iisal wasaaraha 21-aad ee Soomaaliya.

Ka hor inta codka kalsoonida loo qaadin ra'iisal wasaaraha magacaaban, waxa uu jeediyay khudbad uu ku soo bandhigayo waxa uu la imaan doono haddii codka kalsoonid la siiyo

Guddoonka baarlamaanka ayaa fadhiyay kulanka maanta oo aad indha loogu hayay.

Waxaa la sugaaba waa in ra'iisal wasaare Xamse uu soo magacaabo golle wasiiro oo cusub, ma cadda golaha wasiirada cusub in ay noqon doonaan wajiyo cusub iyo in kale. walow la sheegayo waxa ay u badnaan doonaan xildhibaannada maanta codka kalsoonida siiyay ra'iisal wasaaraha.

Ra'iisal wasaaraha cusub ee Soomaalida oo codka kalsoonida ay siiyeen baarlamaankaRa'iisal wasaaraha cusub ee Soomaalida oo codka kalsoonida ay siiyeen baarlamaankaRa'iisal wasaaraha cusub ee Soomaalida oo codka kalsoonida ay siiyeen baarlamaankaRa'iisal wasaaraha cusub ee Soomaalida oo codka kalsoonida ay siiyeen baarlamaankaRa'iisal wasaaraha cusub ee Soomaalida oo codka kalsoonida ay siiyeen baarlamaanka

Radio Hormuud 

Studio 3

Mogadishu Somalia
 

Category