Maraykanka oo soo dhoweeyay shir madaxeedka IGAD ee xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay shir madaxeedka IGAD oo dhici doona 18-ka bishan Janaayo, kaasoo looga hadli doono heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland.

"Waxaan soo dhaweyneynaa shir madaxeedka IGAD ee 18-ka Janaayo ee looga hadlayo xiisadaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo xaaladda Suudaan," ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibbada Maraykanka.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu muujiyay taageerada uu Maraykanku u hayo madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Dalka Jabuuti oo hadda ah Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD ayaa shaaca ka qaaday in uu furmayo shir aan caadi ahayn oo looga hadlayo xiisadda ka dhex aloosan dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya iyo xaaladda Suudaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Jabuuti ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in shir madaxeedkan uu ku baaqay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo sidoo kale ah guddoomiyaha urur goboleedka IGAD, waxaana 18-ka Janaayo 2024 martigelinaya madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shir madaxeedkan looga hadli doono laba arrimood oo waaweyn oo kala ah, Xiisadda sii xumaanaysa ee u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya ee ku saabsan heshiiska Itoobiya la gashay Somaliland iyo caqabadaha siyaasadda iyo amniga ee Suudaan.

Category