Kolding-Denmark: Isbadalo waaweyn oo kadhacaya xaafada Skovparken/Skovvejen

RH Kolding: Waxaa lala socodsiinayaa dadka degan xaafadan iyo agagaarkeeda in lagu sameyn doono xaafada  isbeddelo muhiim ah. Isbeddeladu waxay ka kooban yihiin guryo cusub, meelo cagaaran, iyo xarumo bulsho oo loogu talagalay in lagu xoojiyo xiriirka xaafadaha.

  1. Qorshaha Mustaqbalka ee Skovvejen: Shir gaar ah oo la qabtay Juun 1, 2023, ayaa dadka degan Skovvejen waxay ansixiyeen qorshe dib-u-habeyn ah, kaasoo sidoo kale ay ansixisay Dowladda Hoose ee Kolding. Qorshaha waxaa ku jira dib-u-habayn ballaaran oo lagu sameynayo noocyo kala duwan oo guryo ah sida guryo isku xiran, guryo saf ah, iyo dhismayaal yaryar. Tani waxay ka dhigan tahay in la burburinayo dhismayaasha qaarkood iyo in la kala durkiyo, taasoo keeneysa in muuqaalku isbeddelo ilaa 2030.

  2. Jadwalka Dhismaha: Guddiga dhismaha waxay rajeynayaan inay bilaabaan dhismaha 2025, iyadoo tallaabooyinka hordhaca ah ay ka mid yihiin dalbashada qandaraasyada iyo qorsheynta faahfaahsan.

  3. Yaraynta Tirada Guryaha: Marka la dhammeeyo, Skovvejen waxay yeelan doontaa 318 unug oo guryo ah, tiradaas oo hoos uga soo dhacaysa 474-ta hadda jirta.

  4. Burburinta Xarunta Dukaamaysiga: Dhamaadka 2024, waxaa la qorsheeyey in la burburiyo xarun dukaameysi oo u dhaxaysa Skovvejen iyo Skovparken. Goobtaas waxaa loo qorsheeyey inay noqoto xudunta bulshada oo diiradda saareysa degaanta iyo adeegsiga ugu haboon.

  5. Guri Daryeel waayeel Cusub oo ay yeelandoonto Skovparken: Waxaa qorshaysan in guri daryeel (plejehjem)cusub laga dhiso Skovparken, inkastoo uu noqon doono mid ka mid ah mashruucyada ugu dambeeya ee aagga. Hindisahan waxaa looga gol leeyahay in dadku ku noolaadaan aaggaas dhammaan marxaladaha noloshooda iyagoo xoojinaya xiriirada dhexdooda iyo kabulshada.

  6. Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha: Qorshaha waxaa ka mid ah waddooyin cusub iyo jidad, oo ay ku jiraan fagaarayaal yaryar oo xaafadaha loogu talagalay howlaha dibadda. Waxaa sidoo kale diiradda la saarayaa hagaajinta waddooyinka baaskiilada iyo waddooyinka gelitaanka.

  7. Faahfaahinta qorshaha Skovparken oo la sugayo: Skovparken waxay weli dhammeystiraysaa faahfaahinta ka hor inta aysan dadka deggan u codeyn qorshaha dib-u-habeynta. Tani waxaa ka mid ah suurtagalnimada iibinta qaar ka mid ah dhismayaasha maalgashi gaar ah, taasoo saameyn ku yeelan doonta qorshaha kama dambeysta ah iyo waqtiga codbixinta.

warbixintan waxaanu idiinka soo tarjuney qoraal  ay todobaadkan soo saareen gudiga fullinta ee mashruuca dibuhabeynta waqooyiga kolding.

Category