WARBIXINTII SANNADLAHA AHEYD EE FARXADA ADUUNKA OO LASOO SAAREY

RH: Finland ayaa loo caleemo saaray dalka ugu farxadda badan adduunka sanadkii toddobaad ee isku xiga warbixinta Farxadda Adduunka ee maanta  la sii daayay.

Waxaa loo cuskadey iyada oo laga soo ururiyay cilmi baadhis in ka badan 140 dal, warbixinta waxaa sannad kasta halmar soo saara Gallup, Qaramada Midoobay, iyo Jaamacadda Oxford.

Markii ugu horreysay, Warbixintan Farxadda Adduunka ee 2024 ayaa bixisay xog hoose oo ku saleysan da'da, taasoo muujineysa kala duwanaansho walwal leh oo ku saabsan sida ay dhalinyarada adduunku ukala farxad badanyihiin  marka loo eego waayeelka.

Guud ahaan, wadamada Yurub ayaa hogaaminayay darajooyinka; gaar ahaan, wadamada Skandanavianka  sida Finland, Denmark, Iceland, Sweden, iyo Norway ayaa dhamaantood xajistay boosas ka mid ah tobanka ugu sareeya.

MAXAA QIIMEYNTA LAGU SALEEYAA?

Warbixinta Sannadlaha ah ee Farxadda Adduunka waxaa badanaa lagu saleeyaa qiimeynta nolosha shaqsiga ah ee la isku daray saddexdii sano ee la soo dhaafay laga soo uruuriyey Gallup World Poll iyadoo lala kaashanayo Xarunta Cilmi-baarista Wanaagga ee Jaamacadda Oxford iyo Shabakadda Xalka Horumarinta Waarta ee QM.

In kasta oo qiimeynta lafteeda kaliya lagu saleeyo jawaabaha ay dadku bixiyaan marka la weydiiyo inay qiimeeyaan noloshooda, haddana khubarada isdhexgalka ah ee ka kala socda goobaha dhaqaalaha, cilmu-nafsiga, iyo cilmiga bulshada ayaa loo yeeraa si ay u farsameeyaan xogta oo ay u sameeyaan qiimeyn ku saleysan lix arrimood oo muhiim ah.

Arrimaha uu warbixintu tiro koobayso waa dakhliga (GDP qofkiiba), filashada nolol caafimaad qabta, taageerada bulshada, xorriyadda doorashada nolosha, deeqsinimada, iyo nidaam hogaamineed oo kamadax bannaan musuqmaasuq.

 

Dhallinyarta oo farxadoodu hoos u dhacdey.

Markii ugu horreysay, warbixintu waxay si qoto dheer ugu daadegtay xogta si ay u bixiso faham ku saabsan heerarka farxadda ee kooxaha da' ahaan.

Tani waxay muujisay sawir aad uga duwan marka loo eego qiimeynta rasmiga ah, iyadoo Lithuania (kaalinta 19aad ee qiimeynta guud ku jirta) ayey hadana soo baxday inay tahay dalka ugu farxadda badan dunida caruurta yar yar iyo dadka da'doodu ka yar tahay 30, halka Denmark (kaalinta labaad guud ahaan) ay ahayd meesha ugu farxadda badan oo ay markii horeba haysatey, laakiin waa  dadka waaweyn  60 jir.

Warbixinta sanadkan ayaa, si kastaba ha ahaatee, iftiimisay kala duwanaansho sii kordhaya ee ku saabsan qanacsanaanta da' ahaan iyadoo ay ku xidhantahay goobta  juqraafi ahaaneed.

Cilmi-baadhayaashu waxay heleen in, si guud, dhalinyarada da'doodu tahay 15 ilaa 24 ay soo sheegeen qanacsanaan nololeed oo ka sareysa dadka waaweyn ee da'doodu ka sareyso 25. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiray hoos u dhacyo muuqda oo la muujiyay Yurubta Galbeed iyo Waqooyiga Ameerika, iyo sidoo kale Bariga Dhexe, Waqooyiga Afrika, iyo Koonfurta Aasiya "sababo la xiriira isbeddello xun oo ku yimid nolosha dhalinyarada".

 

Tobanka wadan ee ugu liita .

Marka laga eego tobanka waddan ee ugu hooseeya, Afghanistan ayaa wali ah dalka ugu murugada badan dunida, iyadoo qiimeynta guud aysan wax weyn iska beddelin.

  1. Zambia

  2. Eswatini

  3. Malawi

  4. Botswana

  5. Zimbabwe

  6. Congo

  7. Sierra Leone

  8. Lesotho

  9. Lubnaan

  10. Afghanistan.

 

10-ka wadan ee  ugu sarreeya:

Guud ahaan, qiimeynta 10-ka sare ee sanadkan ayaa sidoo kale inta badan iska joogta, gaar ahaan saddexda ugu sareysa. Si kastaba ha ahaatee, Denmark oo kaalinta labaad gashay ayaa ku guuleystay inay yareyso farqiga u dhexeeya iyada iyo Finland.

  1. Finland

  2. Denmark

  3. Iceland

  4. Sweden

  5. Israel

  6. Netherlands

  7. Norway

  8. Luxembourg

  9. Switzerland

  10. Australia.

 

Iyada oo 10-ka sare ay si dhow isugu dhow yihiin dhibcaha islamarkaana inta badan isbeddel la'aan ay xejisteen  boosaskooda,

waxaa dhaqdhaqaaqyada xiisaha leh ka muuqdaan liiska 20-ka  dal ee ugu horeyn jiray oo wax iska badaleen .

Isbadalada cusub waxaa ka mid ah Costa Rica iyo Kuwait oo kala galay boosaska 12-aad iyo 13-aad siday u kala horreeyaan, halka Maraykanka iyo Jarmalku ay ka soo dhaceen boosaska 15-aad iyo 16-aad, una dhaceen 23-aad iyo 24-aad sanadkan.

Tani waa markii ugu horreysay ee Maraykanku ka baxo 20-ka sare tan iyo markii Warbixinta Farxadda Adduunka la bilaabey in la daabaco, iyadoo inta badan loo aaneynayo hoos u dhac weyn oo ku yimid qanacsanaanta dadka Maraykanka ah ee ka yar 30 sano, sida ay qoreen qorayaasha warbixinta.

Sidoo kale sanadkan waxaa la dareemayaa inay soo yaraaneyso farqiga heerarka farxadda ee u dhexeeya Yurubta Galbeed iyo tan Bari, iyadoo wadamada sida Czechia (18) iyo Lithuania (19) ay boosaskooda ka dhigeen 20-ka sare, halka Slovenia hadda gashay booska 21-aad.

 

Diyaarinta: Mohamed-Amiin 

 

 

 

 

 

Category