Sawirro: Fanaanada Haboon Nuura oo Hargeysa ku laabtey

Hargaysa (RH)-Magaalada Hargaysa waxaa maanta oo Axad ah ku laabtay fannaanada Haboon Nuura oo maalmahan magaalada Muqdisho ku sugneed, iyadoo si wayn loogu soo dhaweeyay garoonka Cigaal ee Hargaysa.

Fannaanada oo saxaafadda si kooban ula hadashay ayaa sheegtay in markasta ay ku faanayso dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

"Ma jirto meel aan dalkayga Hooyo ee Somaliland aan ka jecelahay" ayey tiri Fanaanada Haboon Nuura.

Fannanada ayaa magaalada Muqdisho u tegtay in ay ku qabato bandhig fanneed, balse waxaa laga joojiyay bandhiggaas kadib markii buuq ay ka dhex abuurtay baraha bulshada oo lagu haystay hees ay kal horre sii daysay.

Waxa ay Muqdisho isla joogeen iyada fannnaanka la dhaho Marwaan Yare, balse maanta ayey ka dhooftay markii la baajiyay bandhig fanneedkeeda.

                                                           Xuquuqda sawirrada Khaliid Foodhaadhi

Fanaanada Haboon Nuura oo Hargeysa ku laabtey

Fanaanada Haboon Nuura oo Hargeysa ku laabteyFanaanada Haboon Nuura oo Hargeysa ku laabteyFanaanada Haboon Nuura oo Hargeysa ku laabteyFanaanada Haboon Nuura oo Hargeysa ku laabtey

Radio Hormuud

Studio 2

Hargaysa -Somaliland

Category