![](/sites/default/files/styles/news_detail/public/2025-02/SSS.jpg?itok=zC6Icsna)
Addis Ababa (RH)-Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti, ahna diblamaasi ruug-caddaa ah Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ku guuleystay xilka guddoomiyaha guddiga fulinta midowg Afrika isagoo xilka kala wareegaya Moussa Faki oo u dhashay dalka Chad. oo xilkan hayay.
Maxamuud Cali Yuusuf oo loo arko inuu yahay wasiirka arrimaha dibadda ugu waqtiga dheeer qaaradda tan iyo markii loo magacaabay xilka 2005-tii, ayaa ka adkaaday musharrixiinta Kenya, Raila Odinga iyo musharraxa Madagascar, Richard Wandrea.
Guusha Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa timid kadib lix wareeg oo codbixin ah,oo la galay iyadoo gabagabadiina uu ku guuleystay inuu helo 33 cod oo ku filan inuu ku guuleysto jagadaas, taasoo u dhiganta saddex meelood labo meel codadka dalalka Afrika.
Dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa xarunta shirkar Midowga Afrika iyo hoteellada qaaliga ah ee magaalada Addis Ababa waxaa lagu arkayay dhaq-dhaqaaqyo ka ay wadeen labada musharrax ee ka kala socda Kenya iyo Jabuuti kuwasoo mid kasta rabay in uu ku guulaysto xilkan.
Madaxda midowga Afrika waxa kale oo ay doorteen guddoomiye ku xigeenka guddigan oo ay tartamaysay dublamaasi Aljeeriya Salma Malika Haddadi, ka dib markii ay la tartamaysay laba musharax oo ka kala socday Morocco iyo Masar.
Doorashooyinku waxay ku imanayaan qaab-dhismeedka nidaamka wareegga gobolka ee la ansixiyay 2018, si loo hubiyo isku dheelitirnaanta iyo matalaadda cadaalad ah ee shanta gobol ee Afrika.
Midowga Afrika wuxuu u qaybsan yahay shan gobol oo waaweyn: Koonfur, Bartamaha, Bari, Galbeed iyo Waqooyi. Marka loo eego xeerarka wareegtada, madaxa guddiga waxaa laga soo xulaa gobol ka duwan wareeg kasta oo doorasho, iyadoo la tixgelinayo kartida iyo matalaadda caddaaladda ee lab iyo dheddig.
Tan iyo markii la aas aasay xeerkan sanadkii 2002-dii, waxaa xilka guddoomiyaha ururka noqday musharixiin ka soo jeeda gobollada dhexe, koofurta iyo galbeedka, taasoo ka dhigtay in markan loo wareego gobollada bari iyo waqooyi.
Radio Hormuud
Studio 3
Nairobi-Kenya