Nairobi (RH)-Shirkadda Starlink, ayaa si rasmi ah uga howl billowday Soomaaliya, taasoo ka dhigan shirkaddu in ay soo gashay suuqyada Afrika.
Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya ee loo soo gaabiyo NCA ayaa siisay shatiga ay ku howlgalayso shirkadda Starlink bishii April ee sannadkan 2025, taas oo uu leeyahay maalqabeenka caanka ah Elon Musk.
Tani waxay Soomaaliya ka dhigtay mid ka mid ah dalalka yar ee Afrikaan ah ee laga heli karo adeegga Starlink ilaa hadda.
Adeegga Starlink, oo ku shaqeeya dayax-gacmeedka, ayaa loogu talagalay in uu si gaar u tego deegannada fog fog ee dalka ama aan lahayn kaabeyaasha internetka.
Shirkadda Starlink ayaa dhawaan ka howl billowday dalal kale oo Afrika sida Chad iyo Lesotho horraantii sanadkan, balse shirkaddu waxa ay la kulantay caqabado ka yar marka loo eego Koonfur Afrika.
Shirkadda Starlink ayaa hadda ka howgasha in ka badan 134 waddan waxaana dalalkii ugu dambeeyay ka mid ah Armenia, Azerbaijan, Bangladesh, India iyo kuwa kale.
Si kastaba waxaa xusid mudan in adeegga shirkadda Starlink aanu wali gaarin dalal waaweyn oo leh suuqyo ballaaran sida, Turkey, Sacuudi Carabiya, Masar, Pakistan iyo Iran.
Radio Hormuud
Studio 3
Nairobi-Kenya