Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa jawaab ka bixiyey hadallo ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro oo uu tilmaamay inuu si xaqiiqda ka fog uga hadlay dib u dhaca doorashada Golaha Wakiillada.

Hargeysa(RH)Saraakiil Milateri oo ka socda dawladda Qadar ayaa 17/09/2019, ku wareejiyey dawladda Somalia saanad ciidan oo ay ku jiraan illaa 68 gaadhi oo kuwa ciidamada ah, waxaana qalabkan ciidan si toosa loogu wareejiyey Taliyaha Ciidamada Milateriga ee Somalia S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe), isaga oo kala wareegay General, Maxamuud Al Qasaal oo ka socday dawladda Qadar, sida ay baahisay wakaaladda Wararka Somalia ee SONNA.

Hargeysa(RH)Wasaarada warfaafinta,dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland ayaa lix Weriye oo ka hawl gala warbaahinta kala duwan ee dawlada somaliland u haysata eedo la xidhiidha inay ka qayb galeen faalooyin lagu dhaliilay xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo lagu baahiyey baraha bulshadu  ku kulanto ee Internet-ka.