Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi ISmaaciil (Saylici), ayaa saaka soo kormeeray deeq dawooyin qalab caafimaad isugu jira oo ururka Sweden SOM uu usoo diray wasaaradda caafimaadka Somaliland, sidoo kalena waxa uu madaxweyne ku-xigeenku soo indha-indheeyay keydka guud ee dawooyinka Somaliland.

 

Hargeysa(RH)Kal-fadhigii 29-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 07/02/2019, waxa warbiximo lagaga dhegeystay wasaaradaha Qorsheynta iyo horumarinta Qaranka Iyo Xannaanada Xoolaha & horumarinta Kalluumaysiga oo qorshe hawleedkooda ku soo bandhigay golaha.

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la yeeshay wefti ballaadhan oo ka socda xisbiga tallada dalka koonfur Afrika ee ANC.

Madaxweynaha iyo weftiga ka socda xisbul-xaakimka haya talada dalka Koonfur Afrika, ayaa ka wada-hadlay arrimo badan oo salka ku haya xoojinta xidhiidhka labada dal iyo labada xisbul xaakim ee KULMIYE iyo ANC ee Dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Koonfur Afrika.

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  maanta kormeeray shaqo ku tegay sayladda Xoolaha ee Hargeysa.

 

Madaweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa intii uu kormeerkiisa ku jirey waxa uu indho indheeyey habsami-u-socodka hawlaha wax kala iibsi ee ka socda sayladda xoolaha Hargeysa oo ah goob uu ka socdo ganacsi ballaadhani.

Hargeysa(RH)Waxaa maalmihii u dambeeyay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland ka taagnaa Buuq iyo isfaham la”aan gaadhay in qoraal turxaan leh ay iswaydaarsadaan Maamulayaasha Mid ka mid ah waaxyaha cashuuur Ururinta Wasaaraddaasi, arintaasi oo maashquul galisay Guud ahaan Shaqo maalmeedkii Xafiisyadda Cashuuraha Gobolka Maroodi Jeex ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.