Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Waxaa maanta magaalada Haggeysa lagu qabtey Munaasibad lagu  dhagax-dhigayey jidka isku xidhi doona Somaliland iyo Ethiopia gaar ahaana magaalooyinka Berbera iyo Wajaale (Berbera Corridor) oo dhismihiisu dhawaan bilaabi doono. isla markaana ay mashruucan ku bixi doonto lacag dhan $111,000, (Boqol iyo kow toban milyan oo dollar), loona qorsheeyey inuu si rasmi ah u bilaabmo 15-ka bisha saddexaad (March) ee 2019-ka.

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyo madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo Masuul ka socday Imaaraadka Carabta ayaa  maanta  dhagax-dhigay jidka isku xidhi doona magaalooyinka Berbera iyo Wajaale (Berbera Corridor) oo dhismihiisu dhawaan bilaabi doono.

 

 

Tog-Wajaale(RH)Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar iyo Wafti Balaadhan oo Uu Hogaaminayo ayaa galabta si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Wajaalle ee Xudduuda u dhexaysa Somaliland iyo Itoobiya.

Hargeysa(RH)Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye Iyo laamaha Amaanka Somaliland ayaa ka hadlay  dab qabsaday  Xafiiska Isgaadhsiinta ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland, Waxaanu tilmaamay in dabkaasi la xakameeyey.