Wasiirka Gaashandhiga Somaliland iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo  lagu Soodhaweeyey Dalka Jabuuti

Djibouti(RH)Wafti uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Gaashandhiga Jamhuuriyada Somaliland Md. Cabdiqani Maxamuud Cateeye (Fariid) Ayaa Maanta lagu Soodhaweeyey Dalka Jabuuti

frcd

Waftigan Uu Wafti uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Gaashandhiga Jamhuuriyada Somaliland ayaa waxaa Xubno ka Ah Safiirka Somaliland ee Djibouti Danjire Cabdifataax Siciid Axmed Abaandulaha 1aad ee Qaranka Sareeye guuto Abdirisaaq Siciid Bulaale ( Afguduud), Madaxa Hoggaanka tababarka ciidanka qaranka Sareeye guuto Axmed Cali Maxamed, Madaxa Hoggaanka Caafimaadka Ciidanka Qaranka JSL G/dhexe Dr. Ahmed-shadi Abdillahi Mohamoud, Madaxa Hoggaanka Madaafiicda G/sare Yuusuf Aadan Nuur ee safarka shaqo ku joogay dalka Jabuuti wuxuu galay maalintiisii koowaad

cd1

Ayaa halkaas kula kulmay madax kala duwan oo ka tirsan dawlada Jabuuti sida Wasiirka wasaarada Cadaalada ahna ku simaha wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Mudane Ali Hassan Bahdoon, Taliyaha Ciidanka Qaranka Jabuuti Sareeye gaas Zakariye Sheikh Ibrahim iyo Hoggaanada kala duwan ee ciidanka Jabuuti, Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Gen. Hassan Saed Kheyre , Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Maamul daadajinta ahna ku simaha wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Mudane Hamudo Aramiz ayaa waxa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah.

cd2

Kulmadan ayaa oo kaalin mug leh ka qaatay Safiirka Somaliland u fadhiya jamhuuriyadda Djibouti.

 

Category