Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Joojisay Bixinta Kaadhkii Aqoonsiga Somaliland

Hargeysa(RH)Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa gebi ahaanba joojisay bixinta Kaadhkii muwaadinimada Somaliland, kaasi oo uu hakad ku yimi muddo hal todobaad ku siman.

Xogo ku saabsan hakinta Aqoonsiga Somaliland ayaa sheegaya inuu hakad ku yimi qaadashada kaadhka Muwaadinimada Somaliland, kaasi oo ay bixin jirtay Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland, iyada oo ay xoguhu Tibaaxeen in wasaarradu ay shacabka u doonta kaadhadhka siinayso war-qado ay ku sii sugaan.Kaadhka Aqoonsiga Somaliland

 

Waxaana Maalmihii u dambeeyey Xarunta Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland  hortubnaa Muwaadiniin Baahiweyn u qabay qaadashada Kaadhka Dhalashada Somaliland

Sababta keentay in ay hakad galaan Bixinta kaadhadhka muwaadiniinta Somaliland  ayaa la sheegay in ay tahay cillad ku timid mishiinka lagu daabacayay kaadhadhka lamana oga muddada ay qaadan doonto dib u hawlgalintiisu.

 

 

Category