Tallo loo jeediyay madaxda Somaliland

Talo ku socota Madaxda Somaliland ee heer kasta leh, si gaar ah Madaxweyne yaasha:

Marka laga hadlayo qadiyadda Gooni isku taagga Jamhuuriyadda Somaliland, hadii la isticmaalo erayga ah “Shacbiga ayaan ogolayn wax aan ahayn gooni isku taag” waxay muujinaysaa ama bixinaysaa inaydaan idinku waxba ka qabin ee shacbiga uun meel aad ka martaan aydaan hayn!

Waa xaqiiq oo waa go’aan Shacbi, shakhsina waxba kama bedeli karo xil kasta oo uu hayo, laakiin taasi waa ta keenaysa in shacbiga cadaadis la saaro ( Public Manipulation).

Masuul kasta oo xil qabanaya, badankooda Shacbigaa soo doorta, Kitaab Qur’aan ah baa lagu dhaariyaa iyo Dastuurkii shacbigu u codeeyay, madaxda ayaana Shacbiga ka masuul ah oo ku metela meel kasta oo ay tagaan iyo shir kasta oo ay ka qayb galaan, idinka oo Kalsoonida shacbigiina huwan oo madaxiinu kor yahay diida wixii aan shacbiga iyo dalka midna u qalmin, ha samaynina marmaraiiyo ah Shacbigaan ogolaanayn!

Hadalkaa mara badan baan maqlay waana ta igu kaliftay qoraalkan.

1960 kii Madaxdii joogtay waxay yidhaah deen shacigaa nagu qasbay isku darkii labada Soomaali, 1991 madaxdii joogtay waxay yidhaahdeen shacbigaa nagu qasbay inaanu gooni isku taagno, madaxda xiliyada dambe joogtaana waxay leeyihiin shacbigaan ogolayn in mar kale la isku noqdo oo aanay jirin meel aanu ka dhaafno!

Ma Shacbigaa ina hogaamiya mise madaxda? Mudane yaal shacbigu awoodiisii idinkui idiin dhiibay.

Somaliland hadaan Madaxdeeda, Shacbigeeda, Culimadeeda, Saxaafadeeda, Siyaasiyiinteeda, Abwaanadeeda, Ganacsatadeeda iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshadeedu aanay hadal mid ah iyo mawqif mid ah meel kasta la tagin wixii in ka badan 30 sano lagu tabcayay waxay noqonaysaa tacab qasaar.

W/Q: Sahra Ciidle Nuur

Saxafiyad ka tirsaneed VOA

Category