Safiya Cali Yuusuf muddo 40 sanno ayey saxaafadda ku jirtay

Hargeysa (RH)-Alle ha u naxariisto waxaa shaley magaalada Hargeysa, gaar ahaan isbitaalka weyn ku geeriyootay Safiya Cali Yuusuf oo ahayd saxafiyad muddo ka badan 40 sanno ku jirtay xirfadda saxaafadda kana mid ahayd tiirarka saxafiyiinta ka howgallayay magaalada Hargeysa.

Sida aan ka soo xigganay wasaaradda warfaafinta Somaliland, marxuumadda ayaa u geeriyootay xanuun aan la sheegin oo muddo kooban hayay, waxaana shaqada saxaafadda ay billowday sannadkii 1968-dii, iyadoo ka mid ahayd weriyayaashii wararka iyo barnaamijyada taxanaha ka akhrin jiray Idaacadda Radio Hargeysa.

Barnaamijyada ay akhrin jirtay Radio Hargeysa waxaa ka mid ah barnaamijka Haweenka iyo kuwa kale oo aad loo jeclaa.

Safiya Cali Yuusuf ayaa sidoo kale ka soo shaqeysay Idaacadda BBC-da,gaar ahaan barnaamijka ka baxa BBC Media Action oo ay barnaamij soo saari ka noqotay.

Marxuumad ayaa la sheegay in ay noqotey gabadhii saddexaad ee ka howlbillaabta Radio Hargeysa oo la furay sannadkii 1942, ahna Idaacaddii ugu horreysay ee laga dhageysto gayiga Soomaaliya.

Marxuumadda ayaa shaley lagu aasay Xabaanaha Masalaha ee magaalada Hargeysa.


Waxaa tacsi u direynaa dhammaan ehelkeeda iyo bahdii saxaafadda ay ka baxday Safiya Cali Yuusuf.

Radio Hormuud

Studio 4

Nairobi-Kenya

Category