Maxaa ka jira in waftigii Xasan Sheekh ee Imaaraadka la karantiilay?

Dubai (RH)-Qaar ka mid ah waftigii ku wehliyay madaxweynaha Soomaaliya safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda tan iyo marlkii la doortay bishii la soo dhaafay ayaa la sheegay in Imaaraadka Carabta lagu geliyay karantiil.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Axaddii u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta.

Booqashada Xasan Sheekh ee Imaaraadka ayaa horay loo sheegay inay qaadan doonta laba maalin balse muddo ka badan ayuu haatan maqan yahay waxayna taasi hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada ee Soomaalida.

Waxay dadku is weydiinayeen halka uu intaan madaxweynaha ku maqan yahay.

BBC-da ayaa la xiriirtay ilo wareedyo ka agdhow madaxweynaha waxayna xaqiijiyeen in qaar ka mid ah wefdigii la socday madaxweynaha laga helay xanuunka faysarka corona.

Waxay BBC-da u xaqiijiyeen in madaxweynaha uu haatan caafimaad qabo laakin sababo la xiriira xanuunka laga helay qaar ka mid ah wefdigiisa ay sababtay in dib loo dhigo kulamadii uu la haa hogaanka Isu Tagga Imaaraadka Carabta.

Waa sidee xaaladda Covid ee Imaaraadka?

Heerka fayraska ee Imaaraadka ayaa kor uga kacay 200 maalintii ilaa in ka badan 1,400 oo tiro maalinla ah uu gaaro toddobaadkan, laakiin dhakhaatiirtu waxay sheegeen in dad yar ay u baahdeen daawaynta isbitaalka, tiro yar oo bukaanna ahna ay qabeen burukiito ama qabow.

Waxay intaasi ku dareen in maanta gelinka dambe laga yaabo in kulamadaasi ay dhacaan.

Kaddib markii uu doorashadii 15-kii May ku guulaystay Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa la arkayay safiiradda dalalka Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Qatar oo kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxweynaha iyo guddoomiyeyaasha labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya.

Dadka ka faallooda siyaasadda Soomaaliya ayaa saadaalinaya in sanadaha soo socda uu wanaagsanaan doono xiriirka ka dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi, maaddaama uu muuqdo isu soo dhawaansho labada dhinac ah.

Dowladdii uu Madaxweynaha u ahaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaan xiriir wanaagsan la lahayn Abu Dhabi, halka lagu tirin jiray dhanka Dooxa oo ay sanado badan is hayeen Isutagga Imaaraadka Carabta.

Bishii June 2017, xasarad ayaa ka dhex bilaabatay dalalka Carabta, markii Imaaraatka Carabta, Masar, Sacuudiga iyo Baxreyn ay xayiraad cirka, dhulka iyo baddaba ku soo rogeen Qadar, Soomaaliya ayaa dhexda u gashay, inkastoo ay dhexdhexaad ka noqotay, haddana dowladda yaaa la rumeysan yahay inay la jirsatay Qadar.

Tusaale ahaan, Soomaaliya ayaa oggolaatay in shirkadda diyaaradaha ee Qatar Airways ay isticmaasho hawadeeda, taas oo u fiican Qadar maaddaama ay u fududeysay duullimaadyadeeda dalalka kale ee Afrika iyo Bariga Dhexe.

Sanadkii 2018, dowladda Soomaaliya ayaa $9.8 milyan oo ka timid Imaaraatka kula wareegtay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Sida dowladda laga soo xigtay, ujeeddadu waxay ahayd in farogelin lagu sameeyo codka kalsooni darrada ee Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Markii dambe, guddoomiyaha baarlamaanka xilka waa laga qaaday, lacagtuna waxay ku dambeysay akoonka dhexe ee dowladda.

Bilo yar kahor, ra'iisul wasaaraha xilka ka sii degaya ayaa isku dayay inuu soo celiyo xiriir Imaaraatka Carabta inkastoo uu amray sii deynta lacagahaasna, madaxweynaha ayaa diiday hase yeeshee ugu dambeyntii ka dib doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lacagtaasi laga Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iyadoo la sheegay in dib loogu celiyay Imaaraadka.

Imaaraatka Carabta, Qadar iyo Sacuudi Carabiya ayaa si joogto ah uga soo muuqanayay arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, gaar ahaanna xilliyada doorashada, sababo kala duwan awgood.

Qadar iyo Imaaraatka Carabta ayaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ka taageerayay militariga, dhaqaalaha iyo arrimaha gargaarka bani'aadannimo.'

Xiggasho: BBC

Category